Baqdin ka jirta Muqdisho iyo Wasiir ka hadlay [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka jiray baqdin xoogan, oo laga qabo qaraxyo lamid ah midkii 14-kii Octover ee Isgoyska Zoobe.

Cabsida ayaa korartay markii Mareykanka uu soo saarey Digniino dhanka amniga ah, oo muwaadiniintiisa uga digay inay sii joogaan Muqdisho, gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle, oo Safaardiisa ku dhex-taallo.

Digniinta Mareykanka ayaa lagu sheegay in Labo Gaari oo kuwa AMISOM ay lahayd, oo Al Shabaab ka qabsadeen lasoo geliyay magaalada, kuwaasoo lala damacsan yahay in lagu weeraro Garoonka Diyaaradaha iyo Xarunta Ciidamada Midowga Africa ee Xalane.

AMISOM ayaa mudo saddex maalmood ah xirtay Saldhigeeda Xalane, waxaana laga saarey shaqaalaha aan ciidanka ahayn iyo gaadiidka yaryar, iyadoo feejignaan dheeri ah la geliyay Askarteeda halkaasi ku sugan. Halkan ka akhri.

Xaaladdan baqdinta ah ayaa saameysay Garoonka, oo maalintii ay soo baxday digniinta lagu kala cararay, sida mid kamid ah shaqaalaha ka howlgala uu u sheegay Warsidaha Garowe Online.

Maxamed Cabdullaahi Salaad [Oomaar] Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya

Wasiirka Duulista Gaadiidka iyo Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad [Oomaar] oo maanta shir jaraa'id ku qabtey Garoonka ayaa u sheegay Warbaahinta inaysan jirin wax qal-qal ah oo laga qabo dhanka amaanka.

Wuxuu kaloo tilmaamay in shaqada Garoonka ay caadi ku socoto, oo diyaaradaha shaqeynayaan habeen iyo maalin, isagoo meesha ka saarey wararka la baahiyay ee ah in Garoonka lagu kala cararay oo howshiisa hakad la geliyay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM