Baraawe oo laga bilaabayo doorashada golaha shacabka

Image
Guud ahaan kuraasta la doortay ee xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa gaaraya 75 mudane.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Magaaladda Baraawe oo ah caasimadda rasmiga ah ee Koofur ayaa laga bilaabayaa doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya ka dib markii maamulka shaaciyay 11 kursi oo codayntoodu ka dhacayso magaaladdaan qadiimiga ah.

Koofur Galbeed ayaa sheegay in uu dhawaan qabanayo Doorashada iyada oo la marin doono shuruudaha uu guddigaas ugu talagalay in la sameeyo kahor Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS.

Kuraasta uu SEIT Koofur Galbeed uu shaaciyay ayaa kala ah HOP#016, HOP#044, HOP#155, HOP#150, HOP#151, HOP#152, HOP#153, HOP#160, HOP#161, HOP#250, HOP#080, HOP#165 iyo HOP#173.

Guud ahaan kuraasta la doortay ee xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa gaaraya 75 Mudane, waxaana dhiman 200 oo mudane kuwaasoo intooda badan yaalla deegaan doorashada labaad ee maamuladda.

Heshiiska Golaha wadatashiga qaranka ee 9-ka Janaayo 2022 ayaa dhigayay in Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka lagu soo gabagabeeyo muddada u dhaxeysa 15ka Janaayo ilaa 25ka Febaraayo 2022.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA GUDDIGA

SEIT Southwest State

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM