Barlamanka DF oo u yeeray xeer ilaalinta iyo hanti-dhowrka

Image

December 14, 2014 (GO)- Fadhiga Barlamanka Dowladda Federaalka ee maanta waxaa su'aalo lagu weydiin doonaa xeer Ilaaliyaha iyo hanti-dhowraha guud ee Dowlada Federaalka.

Labada mas'uul waxaa mooshin ka dhan ah maalmo kahor guddoonka Barlamanka usoo gudbiyey qaar kamid ah xildhibaannada.

Xeer ilaaliye Axmed Cali Daahir iyo Hanti-dhowre Nuur Jimcaale Faarax waxaa lagu soo eedeeyey ku-tagrifal awoodeed iyo inay dastuurka ku xadgudbeen.

Dhowaan qoraal ay ku saxiixnaayeen Axmed Cali iyo Faarax Nuur ayaa lagu amray xubnaha xukuumaddii kalsoonida lagala noqdey inaysan ogolaansho la'aan dalka ka bixi karin.

Dhanka kele xeer ilaaliyuhu wuxuu amar ku bixiyey in lasoo xiro agaasimihii wasaarada haweenka iyo xuquuqul insaanka Maxamed Cumar Nuur.

Tallaabadaas ayaa aad uga caraysiisey xubno badan oo Barlamanka ka tirsan, iyagoo ka dalbaday guddoonka Barlamanka in labadaas mas'uul loo yeero si shaqooyinkooda wax looga weydiiyo.

Amarrada kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha iyo hanti-dhowrka guud waxay yimaadeen maalin kadib markii kalsoonida lagala noqday xukuumaddii Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM