Barlamaanka SL oo meel mariyey guddiga cusub ee doorashooyinka

Image

November 29, 2014 (GO)- Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyey xubnaha cusub ee kamid noqon doona Guddiga Doorashooyinka Somaliland shanta sano ee soo socota.

Todobada xubnood oo saddex kamid ah Madaxweyne Siilaanyo soo magacaabay, labana Golaha Guurtidu soo xuleen labada kalena ka kala yimaadeen xisbiyada Ucid iyo Wadani waxay kala yihiin:

  1. Maxamed Jaamac Maxamed
  2. Maxamuud Jaamac Wacays
  3. Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi
  4. Saciid Cali Muuse
  5. Cabdirisaaq Iimaan Warsame
  6. Cabdifitaax Ibraahim Xasan.
  7. Cabdiraxmaan Cismaan Cali

Waxaa xusid mudan in todobada xubnood ee maanta la ansixiyey uu ku jiro Siciid Cali Muuse oo ah weriye ruug-cadda aah mudana lasoo shaqeynayey idaacadda BBC dhalasho ahaanna kasoo jeeda gobolka Sanaag.

Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo hawlihiisa ugu muhiimsan yihiin qabashada doorashada madaxtinimada, baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka, wuxuu sidoo kale mas'uul ka yahay ku dhawaaqista cidda ku guuleysata doorashada.

Maalmaha soo codda ayaa xubnaha cusub ee Guddigu waxay si rasmi ah xilka ugala wareegi doonaan soo shaqaynayey shantii sano ee lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM