Barlamanka DFS oo ansixiyey xeerka hantidhowrka qaranka

Image

January 29, 2015 (GO)- Xildhibaanada Barlamanka Dowlada Federaalka ayaa maanta ansixiyey hindise-sharciyeedka hay'adda hantidhowrka qaranka.

Kulanka Barlamanka ee maanta oo guddoomiye ku-xigeenka koowaad Jeylaani Nuur Iikar shir guddoominayey waxaa soo xaadirey 158 xildhaan.

154 kamid ah xildhibaanada ayaa ogolaadey xeerkan iyadoo afar xildhibaan oo keliya ay ka aamuseen.

Xeerkan ayaa awoodo dheeri ah siinaya xafiiska hanti-dhowrka, waxaana kamid ah in madax banaani buuxda uu u helayo baarista dhaq dhaqaaqa hantida qaranka iyo weliba shaqsiyaadka ku lug yeesha musuq maasuqa.

Ansixinta hindise-sharciyeedkan ayaa kusoo aadeysa labo todobaad kadib markii xeer ilaaliyaha guud ee qaranku sheegay in saraakiil madaxtooyada Villa Somalia ka tirsani u hanjabeen lagana horjoogsadey xafiiskiisa inuu shaqadiisa si fiican u guto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM