Barlamanka DFS oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyey xukuumadda

Image
Image
Image
Image

February 9, 2015 (GO)- Xildhibaannada barlamanka Dowlada Federaalka ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey xukuumadda cusub ee dhowaan Ra'isal Wasaare Cumar Cabdirashiid soo magacaabay.

191 xildhibaan oo kamid ah 213 xildhibaan oo fadhiga maanta soo xaadirey ayaa xukuumadda ansixiyey halka ay diideen 22 xildhibaan oo qura.

Ra'isal Wasaaraha oo ansixinta xukuumada kadib hadlay ayaa uga mahadceliyey xildhibaannada sida ay uga ajiibeen codsigii uu horay ugu soo gudbiyey ee ahaa inay meel mariyaan xukuumadiisa.

Dhanka kale, waxaa markii la ansixiyey xukuumada kadib la dhaariyey xubnaha golaha wasiirada oo ka kooban 66. Wasiirada waxaa dhaariyey gudoomiyaha maxkamada sare Caydiid Ilko-xanaf.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM