Barlamanka DFS oo maanta ka doodaya xeerka doorashooyinka

Image

January 27, 2015 (GO)- Xildhibaanada Barlamanka Federaalka ayaa fadhigooda maanta uga doodi doona xeerarka doorashooyinka iyo awoodaha hanti dhowrka qaranka.

Labadan xeer ayaa horay golaha loo hor keenay iyagoo maraya akhrintii saddexaad. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo la hadlay warbaahinta Dowlada Federaalka ayaa sheegay in laga yaabo isla maanta in Barlamanku labadaas xeer ansixiyo.

Guddoomiyaha Barlamanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa horay uga codsaday xildhibaanada in inta uu kalfadhigani socdo ay ansixiyaan xeerarka doorashooyinka iyo hantidhowrka qaranka.

Jawaari ayaa codsigiisa u sababeeyey in labada xeer yihiin kuwo muhiim u ah horumarka dalka iyo higsiga sanadka 2016.

Gudiyada Barlamanka u qaabilsan maaliyada iyo doorashooyinka ayaa muddooyinkii u dambeeyey ku mashquulsanaa turxaanbixinta xeerarkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM