Barlamanka Federaalka oo ansaxiyey Ra'isal wasaare Sharmaake

Image

Dec.24-2014 [GO]-Fadhiga Barlamaanka Federaalka ay yeesheen maanta ayaa waxaa hortagay Ra'isal wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake,kaasoo waydiistay codka kalsoonida.

Kulanka Baarlamanka ayaa waxaa ku sugnaa Madaxwayaha dawlada Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud waxaana intaan loo qaadin codka Ra'isal Wasaaraha khudbado jeediyay Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud.

Khudbadaha ay jeediyeen labada mas'uul kadib, waxaa cod gacan taag ah loo qaaday Ra'iasal wasaare Sharmaake,waxaana cod aqlabiyad leh ku meelmariyay 218 Xildhibaan oo siisay codka kalsoonida ah.

Ugu danbayntii isla goobta ayaa waxaa lagu dhaariyay Ra'isal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Ra'isal wasaare Cumar oo markii labaad xilkan qabanaya ayaa laga sugayaa inuu soo dhiso gole wasiir ,waxaana looga fadhiyaa muddo soddon casho gudahood inuu ku soo magacaabo xukuumadiisa.

Magacaabista Ra'isal wasaarahan maanta Baarlamanku meel mariyeen ayaa magacaabitiisa ka dambeysay khilaafaad soo kala dhex galay Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wasiirkii Kowaad ee hore Cabdwali Shiikh Axmed Maxamed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM