Barlamanka Federaalka oo la horgeynayo qaabka doorasho ee Somalia

Image

MUQDISHU, Garoowe, Xildhibaanada Barlamanka Federaalka Somalia ayaa lagu wargaliyey in April 30, 2016 dhamnaatood Isugu yimaadaan kulan looga wada xajoonayo heshiiskii ay dhowaan wada gaareen maamulada Somalia iyo Dowlada dhexe ee Muqdisho.

Guddoomiyaha Barlamanka Somalia ayaa Xildhibanaada kuwooda jooga wadanka gudihiisa iyo dibadda ugu baaqey iney yimaadaan kulan Ra'isal wasaaraha Somalia ku soo bandhigi doono heshiiskii ay dowladaha qaybta ka ah Federaalka iyo Dowlada Somalia ka wada gaareen qaabka doorasho ee Somalia.

Heshiiska maamulada Somalia iyo dowlada Federaalka ayaa waxaa udub u dhexaad u ah heshiiskii Puntland iyo Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid ku gaareen magaalada Garowe kaasoo qeexayey talaabooyinka la qaadayo marka la soo xulayo Xildhibanaada Barlamanka aqalka sare iyo Hoose.

Aqalka sare iyo Hoose ayaa marka xulushadooda lasoo dhameytiro ayaa liiska magacyada waxaa saxiixaya madaxda maamulada ka tirsan iyo Issmada.

Wararka ka imaanaya Barlamanka Federaalka ayaa sheegaya in qaar ka tirsan mudanayasha diidan yihiin awooda heshiiskaan siinayo madaxda mamaulada qaybta ka ah Federaalka. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM