Barlamanka Jubaland oo ansaxiyey tirada la kordhiyey [Dhageyso]

Image

KISMAYO, Sept 12,2015 (GO)- Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabraxmaan ayaa sheegay in xildhibaanada si buuxda u ansixiyeen go’aankii shalay uu shaaciyay Madaxweynaha Jubbaland ee ahaa in 10 xubnood lagu soo kordhiyay tirada aqalka wakiilada.

Go'aankaan oo qoraal kasoo baxey xafiiska madaxweynaha Jubaland lagu sheegey ayaa waxaa xildhibanada la kordhiyey la filayaa in lagu qanciyo qabaa'ilo cabsho horey uga muujiyey dhismaha Barlamanka maamulkaas.

Ansaxinta iyo ogolaanshaha xildhibanadaan ayaa ku beegmeysa waqti lagu guddo jiro xaflad lagu caleemo saarayo madaxweynaha dowlada Jubaland Axmad Madoobe.

Magaalada Kismayo ayaa waxaa ku qulqulaya wafuud ka socota dowlada federaalka, maamulada Somalia, beesha caalamka iyo wadamada dariska ah kuwasoo ciidamo ka joogaan Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM