Barlamanka oo ansixiyay Wasiirrada maamulka Hir-Shabelle

Image

JOWHAR, Somalia- Barlamanka maamulka HirShabelle ayaa maanta oo sabti codka kalsoonida siiyay Golaha Wasiirada uu soo magacaabay Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble Bishii lasoo dhaafay.

Kulanka ay ku yeesheen magaalada Jowhar oo ay soo xaadireen 84 Mudane, ayaa waxaa u codaysay ansixinta Golaha Wasiirrada 71 Xildhibaan, iyadoo 13 kale ay ka aamuseen codeynta oo ahayd mid gacan-taag ah.

Madaxweyne Cosoble ayaa hadal uu ka jeediyay xarunta golahaas kaga codsaday Xildhibaanada in la taageero Golahiisa xukuumadda.

Wasiirada cusub oo ka kooban 52 xubnood, oo isagu jira wasiirro, ku xigeenno iyo wasiiru dowlayaal ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay oo maamulkaasi yeesho tan iyo markii la aas-aasay sanadkii tagey.

Xildhibaanno dhowr ah, iyo Siyaasiyiin ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waday Mooshin ay ku diidan yihiin shakhsiyaadka lasoo magacaabay, oo ay ku sheegeen in aan laga wada qeyb-gelin dhammaan Beelaha.

Dhanka kale, waxaa xalay ka dhacay meel ku dhaw Madaxtooyada Hir-Shabelle ee magaalada Jowhar labo qarax oo ahaa Bambooyinka gacanta laga tuuro kuwaasi oo aan geysan Khasaaro.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM