​Barlamanka oo guddi u saaray hishiiska Hannaanka doorashada Somalia

Image

MUQDISHU- Barlamanka Somalia oo 30-ka bishii hore loo gudbiyay barnaamij ku saabsan hannaanka doorashada Somalia ayaa u saaray guddi isugu jira Xildhibaanada haantan jooga iyo qaar kamid ah mudanayaashii hore.

Guddi ka kooban 26 xubnood ayaa loo saaray turxaan bidin hishiiskii dhawaan lagu kala saxiixday magalada Muqdishu, waxaan 5 kamid ah xubnahaasi yihiin Xildhibaano hore.

Wararka laga helayo arrintaasi ayaa sheegaya in durba laga saaray qodobo kamid ah hishiiska hannaanka doorashada Somalia.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamed, oo kamid ah guddiga howshaasi loo saaray, ayaa tilmaamay inay leeyihiin kulamo joogta ah islamarkaana ay ku dadaalayaan sidii loo eegi lahaa waxyaabaha turxaan bixinta u baahan.

Hishiiska loo marayo doorashada dabayaaqada sannadkan ka dhacaysa Somalia, ayaa awood dheeraad ah siinaysa madaxda maamul goboleedyada dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM