​Barlamanka oo kulan ka yeelanaya hannaanka doorashada Somalia

Image

MUQDISHU- Barlamanka Federalka Somalia, ayaa maanta kulan ka yeelanaya qodobada wax laga badalay ee hannaanka doorashada Somalia, taasi oo ay ku hishiiyeen dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada xubnaha ka ah.

Qodobadan ayaa waxaa soo gudbiyay guddi ka kooban 21 xubnood oo Barlamanku u saaray inay wax ka badal ku sameeyaan hishiikii la gaaray, kaasi oo awood siinayaa maamul goboleedyada.

Sharciyaddan ansixintiisa ayaa maalmihii ugu dambeeyay, waxaa ka taagnaa khilaaf xooggan kaasi oo salka ku haya muran ka dhashay badal lagu sameeyay qodobada qaarkooda, waxaana arrintaasi aad uga soo horjeestay maamul goboleedyada, halka beesha caalamku cadaadis ku saarayso inay sidii loogu hishiiyay u ansixiyaaan.

Balse, Xildhibaanada ayaa go'aankaasi ka biyo diidsan, waxaana dadka siyaasadda u dhuun daloola tallaabadan ku macnaynayaan mid siyaasadaysan maadaama Barlamanku talo galyo laga siin hishiiskan, taasina tahay sababta ay ugu dhaganyihiin.

Xildhibaan katirsan golaha shacabka Somaliyeed oo la hadlay Warsidaha GO, ayaa sheegay in Barlamanku xaq u leeyahay ka fiirsashada waxyaabaha aan munaasabka ahay, isagoo xusay inay la laalay qodobo hishiis ku jiray islamarkaana lagu badalay kuwo kale.

Inkastoo uu ka gaabsaday inuu sheego qodobada, hadana wuxuu carrabka ku dhuftay in awoodda la siiyay maamul goboleedyada la dhimay, isagoo taasi ku macneeyay tallaabo ay ugu talo galeen inaysan meesha ka bixin maamulka dowladda Federalka iyo rabitaanka shacabka.

Fadhigan maanta ee golaha wakiillada shacabka Somaliyeed, ayaa socondoona ilaa galinka dambe maanta, waxaan akhris kadib la filayaa in la ansixiyo ama dib loogu celiyo guddiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM