​Barlamanka Somalia oo ka doodaya hannaanka doorashada

Image

MUQDISHU- Kulan maanta ka bilowday xarunta Barlamanka Somalia ee magalada Muqdishu ayay uga doodayaan hannaanka loo marayo doorashada dhacaysa dabayaaqada sannadka 2016.

Qorshaha Xildhibaanada Somalia ka doodayaan, waxaa dhawaan u gudbiyay Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid, isagoo ka codsaday inay si dhaqso ah u meel mariyaan.

Howshan Barlamanku wadaan waxaa warbaahinta u xaqiijiyay mudane golaha shacabka Somaliyeed oo lagu magacaabo axamed Cumar Maxamuud.

Xildhibaannada ayaa ansixin doona qorshaha, haddii ay u arkaan in uu ku habboon yahay in loo maro doorashooyinka dalka.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada dalka ayaa dhawaan isla ghaaray heshiis dhihgaya hannaanka doorashada la filayo inay dhacdo dabayaaqada sannadkan 2016-ka.

Balse, waxaa jira dadaalo kale oo hogaanka Barlamanka iyo xukuumaddu ku doonayaan in muddo labo bilood ah loogu daro, taasoo kasoo horjeesteen Xildhibaanada Barlamanka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles