Barlamanka Somalia oo la horgaynayo miisaaniyadda dowladda

Image

MUQDISHU, Somalia - Wasiirka cusub ee wasaaradda maaliyadda Somalia Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa la filaya in golaha shacabka uu horgeeyo misaaniyadda dowladda ee sanadkan 2017-ka.

Kulanka maanta ayaa xildhibaannada loogu qaybin doonaa Warqadaha miisaaniyada cusub, si ay u soo akhristaan, kahor inta aysan ka doodin fadhiyada dambe.

Xildhibaan kamid ah Barlamanka 9aad ayaa GO u sheegay in Wasiir Beyle uu ka jeedin doono gollaha shacabka khudbad ku saabsan miisaaniyada, taasi oo la filayo inay ka badan tahay midii 2016-kii, oo ahayd $246 milyan oo doollar.

Miisaaniyadda cusub ee dowladda Somalia, ayaa waxaa kusoo kordhiy mushaharaadka ay qaadan doonaan Xildhibaanada Aqalka sare.

Baarlamaanka ayaa sidoo wax ka badel ku sameyn doono Qaraar ku saabsan Gurmadka Abaaraha Dalka.

Bishii February, Dhaqaalaha dowladda ayaa la hakiyay xilligii kala guurka, waxaana la xiray dhamaan akoonadii wasaaradaha, Hay'adaha dowladda iyo maamulka gobolka Banaadir, si aysan u dhicin musuq-maasuq.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM