​Barlamanka Somalia oo u yeeray Ra'isal wasaaraha

Image

MUQDISHU- Kulan maanta ka dhacay xarunta Barlamanka Somalia ee magalada Muqdishu ayaa lagu shaaciyay in Ra'isal wasaaraha Somalia loo baahanyahay inuu horyimaado golaha shacabka Somaliyeed.

Gudoomiyaha Barlamanka oo kulankaasi shir gudoominyay ayaa tilmaamay in Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake 30-ka bishan laga xarun xarunta Barlamanka Somalia isagoo wada ajandayaashii ku aadan doorashooyinka dalka ka dhacaya qaabka loo wajahayo.

Jawaari, ayaa xusay inay muddo yar ka hartay waqtigii ay ku ekayd xukuumadda haatan joogta, wuxuuna sheegay inaysan wali soo gudbin qaabkii doorashada loo wajihii lahaa iyo shuruucihii la raaci lahaa.

Waxay sidoo kale Barlamanku ku baaqeen in la dar-dar galiyo howlaha badan ee loo baahanyahay in lagu dhammeeyo waqti yar.

Dabayaaqada sannadkan ayaa dalka Somalia ka dhici doontaa doorasho ku salaysan nidaamka wax ku qaybsiga beelaha, balse intaa arrintaasi la gaarin ayaa la dhisi doonaa labada aqal oo hormari doono golaha guurtida

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM