Barlamanka Soomaaliya oo ansixiyay sharciga Axsaabta siyaasadda

Image

MUQDISHU- Kulan maanta Barlamanka Soomaaliya ku yeesheen xaruntooda Muqdishu ayay uga doodayeen meelmarinta sharciyo horay loogu soo gudbiyay kuwaasi oo kamid ahaa sharciga xisbiyada siyaasadda ee dalka.

Kulanka oo shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka Barlamanka, Jaylaani Nuur Ikar, ayaa cod gacan taag ah u qaaday xeerka hagaya xisbiyada siyaasadeed ee waddanka ka dhismi doona, waxaana ogolaatay 149 mudane, hal Xildhibaan ayaa diiday, saddex kalena waa ka aamuseen.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale ansixiyay sharciyada dhismaha guddiga madaxa bannaan ee xuquuqda aadanaha iyo xannaanada xoolaha.

Dhinaca kale, wasiirka gaashaandhigga Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini oo fadhiga Barlamanka tagay, ayaa ka hor-akhriyey heshiiska dalalka Afrikada Bari ay ku dhisanayaan ciidamo u gaar ah.

Xildhibaanada ayaa waxaa wali u socda Kalfadhigoodii Sideeda oo ah kan ugu dambeeya, waxaana horyaalla shuruuco kala duwan kuwaasi oo looga fadhiyo inay dhawaan meelmariyaan, kahor intaan la kala dirin, maadaama dalka dabayaashaqada 2016 doorasho ka dhici doonto.

 GAROWEONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM