Barlamanka Soomaaliya oo ansixiyay sharciga Axsaabta siyaasadda

Image

MUQDISHU- Kulan maanta Barlamanka Soomaaliya ku yeesheen xaruntooda Muqdishu ayay uga doodayeen meelmarinta sharciyo horay loogu soo gudbiyay kuwaasi oo kamid ahaa sharciga xisbiyada siyaasadda ee dalka.

Kulanka oo shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka Barlamanka, Jaylaani Nuur Ikar, ayaa cod gacan taag ah u qaaday xeerka hagaya xisbiyada siyaasadeed ee waddanka ka dhismi doona, waxaana ogolaatay 149 mudane, hal Xildhibaan ayaa diiday, saddex kalena waa ka aamuseen.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale ansixiyay sharciyada dhismaha guddiga madaxa bannaan ee xuquuqda aadanaha iyo xannaanada xoolaha.

Dhinaca kale, wasiirka gaashaandhigga Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini oo fadhiga Barlamanka tagay, ayaa ka hor-akhriyey heshiiska dalalka Afrikada Bari ay ku dhisanayaan ciidamo u gaar ah.

Xildhibaanada ayaa waxaa wali u socda Kalfadhigoodii Sideeda oo ah kan ugu dambeeya, waxaana horyaalla shuruuco kala duwan kuwaasi oo looga fadhiyo inay dhawaan meelmariyaan, kahor intaan la kala dirin, maadaama dalka dabayaashaqada 2016 doorasho ka dhici doonto.

 GAROWEONLINE

Related Articles

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM

QM oo ku baaqday in Soomaaliya dib u eegto sharciyada la-dagaalanka argagixisada, xilli xasaasi ah

Wuxuu xusay in dambiyo aan dil la xiriirin ay haddana keeni karaan xukun dil ah, taasoo aan la jaanqaadayn shuruucda caalamiga ah.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:09AM