​Barlamanka Soomaaliya oo fasax galay iyo qodobo laga badlay Dastuurka

Image

MUQDISHU, Soomaaliya- Barlamanka dowladda Federalka Soomaliya, ayaa galay fasax ku saabsan ciida Soonfur ee fooda nagu soo haysa, kadib kulan ay ku yeesheen maalintii shalay magaalada Muqdishu caasumadda Soomaaliya.

Kulankaasi waxaa shir guddoominayay gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Barlamanka Soomaaliya Jaylaani Nuur Ikar, waxaana looga doodayay qodobo la sheegay in laga badalayo Dastuurka Soomaliya, waxayna ahaayeen; qodobka 60-aad farqadiisa 1-aad iyo qodobka 136-aad farqadiisa 2-aad.

Labadaasi qodob ayaa la sheegay inay muhiim u yihiin qaranimada Soomaaliya, iyadoo caddaynaya in dalku yeesho Dastuur iyo Barlaman, waxaana in wax laga badalo u codeeyay 208, waxaa diiday 3 mudane iyadoo ay ka aamuseen 4 mudane.

Kooramka oo ay joogeen 2015 Xildhiabaan ayaa sidoo kale lagu sheegay inay Barlamanku fasax galayo maadama ay dhammeeyeen dhammaan doodista xeerarkii horyaallay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM