​Barlamanka Soomaaliya oo kulan yeelanaya

Image

MUQDISHU- Waxaa maanta lagu wadaa in magalada Muqdishu caasumadda Soomaaliya kulan ku yeeshaan Xildhibaanada Barlamanka oo ka arrinsan doona howlaha horyaalla kalfadhiga u socda golaha shacabka.

Fadhigan, oo shir guddoomin doono Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa diiradda lagu saarayaa sidii loo dhammaystiri lahaa howlaha weli ka harsan kalfadhiga 8-aad ee Barlamanka Soomaaliya, waxaana ku jira shuruuco maray habkii koowaad ee Akhriska hadana u baahan ansixin.

Mudane katirsan Barlamanka oo la hadlay GO, ayaa sheegay inay maanta isu imaan doonaan islamarkaana ebyi doonaan qorshayaasha harsan isagoo xusay inuu khubad jeedin doono Guddoomiyaha Barlamanka Soomaaliya.

Kulankan, ayaa kusoo beegmaya xilli todobaadkii hore madaxweynaha dowladda Soomaaliya heer ku ansixiyay hannaankii doorashada oo muddo horyaallay Xildhibaanada, waxaana arrintaasi siyaabo kala duwan u arkay mudanayaasha oo qaybtood kasoo horjeesteen.

Lama oga inay arrintaasi kusoo qaadan doonan, waxayse u badan tahay inaan laga hadlin.

Kalfadhigan u socda Xildhibaanada waddanka, ayaa noqonaya kii ugu dambeeyay, waxaan markuu dhammaado la filayaa in lakala diro.

GAROWEONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM