Bartilmaameedka cusub ee Al-Shabaab ka doc-wareemayso

Image
Weeraradii ugu dambeeyay ee maleyshiyadda fulisey ayaa soo bandhigay goobo cusub oo ay beegsanayaan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Inkasta oo aysan jirin meel fayoow oo aysan waxyeeleyn, haddane waxaa lasoo tabinayaa in kooxda Al-Shabaab ay si gaar ah xoogga u saarayso waxyeeleynta kaabayaasha dhaqaalaha ee muhiimka u ah nolosha.

Meelaha qaarkood waxaa ku laran ujeeddo militari, balse danta ugu weyn waa in wax loo dhimo dadka, dalka iyo dowladnimada, lana weeraro meel kasta oo laga damqanayo.

Shalay waxa ay weerar ku qaadeen buundada kaliya ee ku taala magaalada Buulo Burde, taas oo ay qarax weyn ku xireen, ayna gaarsiiyeen qasaaro laxaad leh.

Horey waxa uu u burburiyeen ceelal biyood, waddooyin iyo beero, xarumo caafimaad, garoomo diyaaradeed oo ay weerar ku qaadeen iyo dano kale oo muhiim ah.

Arrimahan waxa ay dhacayaan iyada oo markii horeba dayac iyo gaboow uu dilooday kaabayaashan, intaana usii dheertahay in dalka uusan haysanin buundooyin iyo waddooyin badan oo xitaa dabooli kara boqolkiiba 20 baahida loo qabo.

Sidaasi awgeed, kaabe kasta oo ay Al-Shabaab burburiyaan, wuxuu halis ugu jiraa in aanan ebed dib loo dhisin xilli dowladnimada hadda jirta aysan gaarin heer ay xitaa gudub karto adeegyada asaasiga ah.

Marka uu dagaal kan dhammaado, tirakoobyada loo baahanyahay in la ogaado oo la qiimeeyo waxaa ka mid ah qiimaha uu laegyahay dhaqaalaha iyo hantida ay Alshabaab dalka ka galaafteen, si markaasi loo qiyaaso waqtiga looga soo kaban karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM