Baydhabo: booliska Maamulka Koonfur Galbeed oo hub qabtey

Image

March 25, 2015 (GO)-  Ciidamada ammaanka maamulka Koonfur Galbeed oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafey wadey hawlgallo ammaanka lagu sugayo ayaa gacanta ku dhigey hub iyo dhowr qof oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Madaxweyne ku-xigeenka Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi ayaa sheegay in hubkan oo isugu jira qoryaha darandooriga u dhaca, miinooyin iyo lidka diyaaradaha laga soo saarey keyd Al-shabaab hubka ku qarsan jirtey oo ku yaalla duleedka Baydhabo.

Wuxuu sidoo kale xusey in gacanta lagu soo dhigey dhowr qof oo lala xiriirinayo Al-shabaab kuwaasoo xilligan ciidamada boolisku su'aalo weydiinayaan.

"ciidamada booliska ayaa soo qabtay hubkaas oo isugu jiray mid fudud iyo kuwa culus, howlgalkaasina wuxuu u dhacay sidii loogu talo galay" ayuu yiri Fiqi oo waraysi gaar ah siiyey warbaahinta ku hadasha afka Dowladda Federaalka.

March 11, 2015 ayey ahayd markii weerar qorsheysan lagu soo qaadey xarunta madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo.

Weerarkaas oo ugu yaraan siddeed qof ku geeriyoodeen ku dhowaad toban kalena ku dhaawacmeen waxaa mas'uuliyaddiisa sheegtay ururka Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM