Baydhabo: booliska Maamulka Koonfur Galbeed oo hub qabtey

Image

March 25, 2015 (GO)-  Ciidamada ammaanka maamulka Koonfur Galbeed oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafey wadey hawlgallo ammaanka lagu sugayo ayaa gacanta ku dhigey hub iyo dhowr qof oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Madaxweyne ku-xigeenka Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi ayaa sheegay in hubkan oo isugu jira qoryaha darandooriga u dhaca, miinooyin iyo lidka diyaaradaha laga soo saarey keyd Al-shabaab hubka ku qarsan jirtey oo ku yaalla duleedka Baydhabo.

Wuxuu sidoo kale xusey in gacanta lagu soo dhigey dhowr qof oo lala xiriirinayo Al-shabaab kuwaasoo xilligan ciidamada boolisku su'aalo weydiinayaan.

"ciidamada booliska ayaa soo qabtay hubkaas oo isugu jiray mid fudud iyo kuwa culus, howlgalkaasina wuxuu u dhacay sidii loogu talo galay" ayuu yiri Fiqi oo waraysi gaar ah siiyey warbaahinta ku hadasha afka Dowladda Federaalka.

March 11, 2015 ayey ahayd markii weerar qorsheysan lagu soo qaadey xarunta madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo.

Weerarkaas oo ugu yaraan siddeed qof ku geeriyoodeen ku dhowaad toban kalena ku dhaawacmeen waxaa mas'uuliyaddiisa sheegtay ururka Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM