Baydhabo: DFS iyo maamulkii lixda gobol oo heshiis kala saxiixday

Image

November 6, 2014 (GO)-  Magaalada Baydhabo oo uu weli ka socdo shirka lagu dhameystirayo maamulka Koonfur Galbeed ee saddexda gobol ka kooban, ayaa waxaa maanta heshiis kala saxiixday guddi ka socda Dowladda Federaalka oo xildhibaano u badan iyo siyaasiyiintii wax ka dhisay maamulka lixda gobol ee muranka dhaliyey.

Heshiiska oo afar qodob ka kooban waxaa labada dhinac u kala siixay gudoomiyaha gudiga arrimaha gudaha ee Baarlamaanka Soomaaliya xildhibaanad, Fowziyo Maxamed Sheekh iyo Madoobe Nuunoow Maxamed oo isaga horay madaxweyne loogu doortay.

Qodobada lagu heshiiyey oo sida muuqata ah kuwo isku soo noq noqonaya islamarkaana khuseeya sidii labada dhinac wada hadal toos ah u furi lahaayeen waxay kala yihiin sidan:

1. In marka hore la furo wadahadal dhex mara maamul gobaleedka koonfur galbeed ee lixda gobol iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

2. In maamulkaasi diyaar u yahay inuu wadahadal dib u heshiisiineed la furo dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan gudiga maamul u sameynta koonfur galbeed.

3. In maamulkaasi soo xulo guddigii u mateli lahaa wadahadallada siyaasadeed.

4. Labada dhinac ee heshiisku dhex maray waxay ka codsanayaan beesha caalamku inay taageerto habsami u socad dib u heshiista.

Dowlada Federaalku waxay horay u shaacisay inaysan aqoonsanayn maamulka Baydhabo lagu dhisay ee lixda gobol ka kooban, maadaama dhismihiisa loo maray qaab aan dastuurka waafaqsaneyn.

Shirka lagu dhameystirayo maamulka koonfur galbeed ayaa meel fiican maraya iyadoo xilligan ergooyinku ku mashquulsan yihiin ansixinta dastuurka uu maamulkaasi yeelan doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi: Taiwan waxay mashruuc halis ah kawadey Soomaaliya

Fiqi waxaa hadda loo magacaabey Wasiirka difaaca dalka, isagoo intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda aad u xumaadey xiriirka dibadd.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 12:24PM

Puntland: Weerar Daacish ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Dhasaan oo la fashiliyey

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlgallada ka socda buuraha Calmiskaat ay sii socon doonaan ilaa laga baabi’inayo khatarta kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 11:15AM