Baydhabo: madaxweynaha koonfur galbeed oo saaka la dooranayo

Image

November 17, 2014 (GO)- Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa saaka lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada madaxweynaha maamul goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya.

Doorashada waxaa ku tartami doona shan murashax oo kala ah: Shiriif Xasan Shiikh Aadan, Abaa-Awoow Xaaji Suufi Carfaan, Axmed Maxamed Caddoow, Maxamed Cumar Sheekh Daahir (Siyaad) iyo Maxamed Xasan Fiqi. 

Madaxweynaha waxaa dooran doona ergada 419 qof ka kooban ee degmada Baydhabo ku shirsan, waxaana loo badinayaa inuu ku soo bixi doono Shiriif Xasan Shiikh Aadan oo taageerada ugu badan haysta.

Doorashadan ayaa kusoo aadeysa todobaad kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya amar ku bixisay in si kumeel gaar ah loo joojiyo shirka Baydhabo ka socda iyadoo sidoo kale Dowladda Federaalku diidey in ilaa amar dambe la qabto doorashada madaxda maamulka koonfur galbeed. 

Dhanka kale war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalku aqbali doonin natiijo kasta oo kasoo baxda doorashadaas maadaama la garab maray amaradii ay horay usoo saartay.

Faah faahin ku saabsan doorashada madaxweynaha maamulka koonfur galbeed iyo natiijada kasoo baxda dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM