Baydhabo: madaxweynaha koonfur galbeed oo saaka la dooranayo

Image

November 17, 2014 (GO)- Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa saaka lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada madaxweynaha maamul goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya.

Doorashada waxaa ku tartami doona shan murashax oo kala ah: Shiriif Xasan Shiikh Aadan, Abaa-Awoow Xaaji Suufi Carfaan, Axmed Maxamed Caddoow, Maxamed Cumar Sheekh Daahir (Siyaad) iyo Maxamed Xasan Fiqi. 

Madaxweynaha waxaa dooran doona ergada 419 qof ka kooban ee degmada Baydhabo ku shirsan, waxaana loo badinayaa inuu ku soo bixi doono Shiriif Xasan Shiikh Aadan oo taageerada ugu badan haysta.

Doorashadan ayaa kusoo aadeysa todobaad kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya amar ku bixisay in si kumeel gaar ah loo joojiyo shirka Baydhabo ka socda iyadoo sidoo kale Dowladda Federaalku diidey in ilaa amar dambe la qabto doorashada madaxda maamulka koonfur galbeed. 

Dhanka kale war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalku aqbali doonin natiijo kasta oo kasoo baxda doorashadaas maadaama la garab maray amaradii ay horay usoo saartay.

Faah faahin ku saabsan doorashada madaxweynaha maamulka koonfur galbeed iyo natiijada kasoo baxda dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo oo u dhexeeyay ciidanka DFS iyo kuwo taabacsan Laftagareen

Laftagareen ayaa xilka laga tuurey 30-kii Maarso 2026, kadib toddobaadyo ay jireen ismariwaayo siyaasadeed iyo isku hor imaadyo militari.

  • Soomaliya

    22-05-2026

  • 11:28AM

Midowga Afrika oo ugu baaqay Xasan Sheekh iyo Mucaaradka in ay dib ugu laabtaan wada-hadallada

Bayaan kasoo baxay guddiga ayaa lagu ammaanay labada dhinac sida ay ugu diyaar garoobeen wada-hadal toos ah.

  • Soomaliya

    22-05-2026

  • 11:08AM