Baydhabo oo lagu qabanayo shirka golaha wadatashiga qaranka

Image
Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar Garowe Online ka helayo Illo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxda maamulada iyo Rooble kulankoodu ka dhici doona xarunta maamulka Koonfur Galbeed ee Baydhabo.

Xogta kukankaan ayaa imaaneysa kadib markii habeenkii xalay kulan yeesheen qaar ka tirsan madaxda maamulada, xubno ka tirsan musharaxiinta iyo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble.

Dhinaca kale, wasiirka koowaad ayaa, sidda uu maanta faafiyey xafiiskiisa, wuxuu kulankaan ka hor eryey xubno ka tirsan guddiga xalinta khilaafadka doorashada heer Federaal.

Talaabadaan oo lagu dajinayey xaalada kacsan ee kalsooni la’aaneyd ee hareysay doorashada Xildhibanada aqalka hoose ayaa waxaa soo dhoweeyey midowga musharaxiinta u sharaxan xilka madaxweynaha kuwaas oo ku tilmaamey talaabo dhinaca wanaagsan loo qaadey.

Dhanka kale, Rooble  iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka  Koonfur Galbeed, halkaas oo si diiran ugu soo dhaweeyeen Madaxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa, sida uu shaaciyey xafiiskiisa, wuxuu qeyb gali doona munaasabadda sanad guurada 3aad ee markii la doortay Madaxweyne  Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen).

Qoraalka uu faafiyey xafiiskiisa waxaa la raaciyey "in uu la qaadan doonna Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed kulamo lagu dardargelinayo hannaanka doorashooyinka". Ma bixin fahfaahinta wadaxaajoodyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM