Baydhabo oo maanta lagu qabanayo codaynta 5 kursi

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Axada maant ah magaaladda Baydhabo ku qabanaya doorashada Shan kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee ee deegaan doorashadoodu tahay xarunta goboladda Baay iyo Bakool.

Guddiga ayaa sheegay in ay soo dhamaystireen habraacyadii loogu talagalay maadaama musharixiinta la diiwaan galiyay lana shaaciyay ergada, odoyaasha dhaqanka iyo xubnaha bulshada rayidka ee qaybta ka ah codaynta si waafaqsan heshiiskii golaha wadatashiga qaran ee Muqdisho lagu soo gababageebayay 9 January 2022.

1: HOP#188 oo uu hadda ku fadhiyo Aadan Ibraahim Dhayow, waxaana ku tartami doona Cabdisamed Aadan isaaq & Maxamed Cabdi Maxamed.

2: HOP# 185 oo uu ku fadhiyo Cali Aadan Xuseen ayaa waxaa ku tartami doona Maxamed Nuur Maxamed iyo Cabdiraxmaan Isaaq Maxamed.

3: HOP#175 oo uu ku fadhiyo Axmed Xaaji Maxamed Taaw, balse Maanta ay ku tartami doonaan  Aadan Maxamed Ibraahim, iyo Cabdirishiid Nuur Jilley.

4: HOP#159 oo uu ku fadhiyo Xasan Ibraahim Maxamed ayaa waxaa Maanta ku tartamaya   Maxamed Bare Maxamuud & Cabdullaahi Maxamed Isaaq.

5: HOP# 177 oo uu hadda  ku fadhiyo Ibraahim Isaaq Yaroow balse laga reebay u tartamida kursigaas, waxaana Maanta ku tartami doonaan Maxamuud Abuukar Kheyre & Cabduqaadir Sheikh Cali Baraka.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa hadda ah Maamulka doortay Xildhibaannada ugu badan ee Golaha Shacabka sidoo kalena shaaciyay kuraasta lagu dooranayo degaan doorashada 2aad ee degmada Baraawe.

Doorashada Golaha Shacabka ee sanadkan ayaa waxaa inta badan kuraastooda ku waayey xildhibaanadii horey ugu fadhiyey ayada oo madax goboleedyada ay soo saarayaan xildhibaan cusub oo daacad u ah, waxaana xubno badan oo liiska kore ku jira ay ku biiri doonaan saaxiibadooda horey loo tuuray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM