​BAYDHABO: Sheekh Aadan Madoobe oo markale Xildhibaan noqday

Image

BAYDHOBO, Somalia- Xildhibaanka uu waqtiga ka dhamaadey, Afhayeenkii hore ee Baarlamaankii KMG  Somalia Sheekh Aadan Madoobe, ayaa kusoo baxay doorashada aqalka hoose ee maanta ka dhacday Baydhobo.

Musharax lagu magacaabo Faadumo Maxa'ed, ayaa la tartantay Sheekh Aadan Madoobe waxaana ay ku hartay Wareegga 2-aad ee codbixinta Doorashada Aqalka hoose ee magaalada Baydhabo.

Sheekh Aadan Madoobe, oo Afhayeen ka noqday Baarlamaankii KMG ahaa 2007, ayaa helay 49 Cod, waxaana Guushaasi u horseeday inuu markale noqdo Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Somalia.

Xildhibaan kale oo lagu magacaabo Xasan Cusmaan Xuseen, oo isna kamid ahaa Baarlamaanka uu Waqtiga ka dhamaaday ee Somalia, ayaa kusoo baxay Doorashadii ka dhacday Baydhobo.

Maamulka Koonfur Galbeed oo helay 69 Kursi oo uga mid noqon doono Baarlamaanka, ayaa ilaa hadda waxay dooratay 58 Xildhibaan, oo 11 kamid ah yihiin Haween tan iyo markii Doorashada billaabatay.

Dhanka magaalada Jowhar waxaa lagu qabtay Doorasho, taasi oo ay ku guulaysteen afar Xildhibaan oo kala ah Maryan Ahmed Harun, Mohamud Abdulahi Ahmed iyo Abdirazak Ahmed Mohamed.

Maryan Ahmed Harun waa Gabadha 5-aad oo Xildhibaan noqoto Kuraasta 11-ka ah ee uu maamulka Hir-Shabeelle u asteeyay Haweenka ee qaybta ka noqonaya qoondada dumarka 30% ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM