Bayle: Anigu waxaan ka hadlay kaliya Jaadka Hereriga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Maaliyadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa ka noqdey hadal kasoo yeeray shalay kaasoo uu ku fasaxay Jaadka ka yimaadda dalka Kenya.

Bayle oo Talaadada maanta ah muuqaal soo duubay ayaa xusay in kaliya uu hadlay Jaadka Hereriga ee ka yimaadda waddanka Itoobiya isla markaana warkii shalay uu ka dhawaajiyey "si khaldan loo turjumay".

"Hadalkeyga wuxuu daba socdaa kii shalay. Waxaan ka hadlay oo aan doonayaa in aan caddeeyo Qaadka Hereriga ee dadka qaarkood ay sheegeen in uu dad gaara u xiran yahay. Hadii si khaldan loo fahmay arrintu Qaadka Hereriga kaliya ayay ku saabsan tahay," ayuu ku yiri fariinta muuqaalka oo ahayd hal daqiiqo.

Wasiirka ayaan soo hadal-qaadin Jaadka Miiraha ee Kenya iyo sababta dhabta ah ee dowladda aysan wali xayiraadda uga qaadin.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo hagaagay xilli muddooyinkii u dambeeyay ay taagneyd cabasho ka imaaneysay ganacsatadda Soomaalida ee Jaadka.

Ganacsatadda oo kasoo muuqdey muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshadda ayaa sheegay in dowladda federaalka ay is-hortaagtay in ay Qaadka kala yimaadaan Kenya ayna dad gaar ah u xirtay Jaadka Itoobiya.

Bishii March 16-keeda sanadkii 2020 ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay shaacisay in ay dalka ka mamnuucdey Jaadka sababo ku aadan Covid-19.

Markii ay qaadey xayiraadihii ay Jaadka lasoo rogtay sidda duulimaadyadda caalamiga ah, dowladda Farmaajo ayaa bilowdey in ay dagaal siyaasadeed ku gasho xayiraada Jaadka si ay Kenya uga hesho danaheeda gaarka ah.

Talaabadaas ayaa dhabaha u xaartey xiisad diblumaasiyadeed iyo cabashooyin ka yimid ganacsatada Jaadka kuwaas oo ku qaylo-dhaamiyey in lasoo gabagabeeyo mamnuucida maadaama uu furnaa Jaadka Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM