Bayle : Wasiirka maaliyadda wa inuu garanayaa jeeb-tuugga beesha caalamka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirkii hore ee maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa bixiyay wareysigii ugu horeeyay tan iyo intii uu xilka ka tagay bilo ka hor.

Isaga oo ku sugan dalka Maraykanka ayuu wareysi siiyay warbaahin Soomaali ah, wuxuuna ka hadlay waxyaabihii uu xog ogaalka u ahaa iyo sida uu yahay xaalka qasnadda dowladda.

Wuxuu sheegay in qasnadda uu kaga soo tagay lacag dhan 100 milyan oo doolar oo beesha caalamka ka timid iyo 30 milyan doolar oo qaanado kala duwan ku jirtay.

Mar wax laga weeydiiyay qaabka beesha caalamka looga helo lacagaha ayuu sheegay in wasiirka maaliyadda ay tahay in uu fahmi lacagaha ku kala xasaysan wax uu ku tilmaamay jeeb-tuugga beesha caalamka, taas oo uu sheegay in ay jiraan lacago loogu talogalay mashaariic kala duwan, oo aysan jirin lacag isku xiran oo meel qura ku wada jirta.

Bayle ayaa qirtay in culees badan la saaray sanadkii iyo barkii ay dowladda kala guurka ku jirtay, “ haddii aanan diidi lahayn, xitaa waxaa adkaan lahayd in mushaaraadka la bixiyo” ayuu yiri Bayle oo intaas ku daray in si joogto ah cadaadis loogu saari jirey in uu bixiyo lacago siyaasad lagu bixiyo.

“Maalinkii madaxweynaha la doortay ayaan nafis dareemay, maalinkii ku xigtana waan u tagay oo waan u sheegay sidii xaalku ahaa” ayuu yiri Cabdiraxmaan Bayle.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM

Trump oo Ku Hanjabay inuu dhalashada kala noqon doono Soomaalida lagu helo falal khiyaano ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la xoojinayo nidaamka socdaalka iyo amniga gudaha ee wadanka Maraykanka.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 08:54AM