Beesha Caalamka oo mar kale waanisay Farmaajo iyo Rooble

Image
Saaxiibada caalamka ayaa mar kale waxay adkeeyeen sida ay muhiim u tahay dardargelinta doorashooyinka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Beesha Caalamka ayaa mar kale waxay ku waanisay Farmaajo iyo Rooble in ay "si degdeg ah u xalliyaan khilaafkooda", sidda laga soo xigtey war-saxaafadeed ay Jimcadda maanta ah faafiyeen.

Bayaanka ayaa intaas ku daraya in madaxweynaha waqtigu ka dhacay iyo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta ay muhiim tahay "in ay ka fogaadaan isweydaarsiga qoraalada guud ee aan waxtarka u lahayn bulshada".

Qoraalka oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayaa hoosta looga xariiqay in xaalada dalka ku jiro uu uga gudbi karo in la guda galo doorashooyinka dib-u-dhaca weyn uu hareeyay.

"Iyadoo dadka Soomalaiyeed ay xusayaan sannad-guuradii 1aad ee kasoo wareegtay Heshiiskii 17kii Sebteembar, ayaa saaxiibbada beesha caalamka waxay aad uga walaacsanyihiin in khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha uu wiiqi doono xasilloonida Soomaaliya isla markaana uu carqaladayn doono geeddi-socodka doorashada," ayaa lagu yiri qoraalka.

Diblumaasiyiinta ayaa raaciyey: "Waxaan ku boorinaynaa Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha inay si degdeg ah u xalliyaan khilaafkooda, ayna ka fogaadaan isweydaarsiga qoraalada guud ee aan waxtarka u lahayn bulshada iyo ogeysiisyada hawlwadeennada, ayna dib diiradda u saaraan sidii loo soo gabagabayn lahaa doorashooyinkii waqtigooda dib uga dhacay iyadoo aan dib u dhac kale dhicin".

"Dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin oo ay mudan yihiin maamul dowladeed oo wax ku ool ah oo loo dhan yahay. Kala-qaybsanaanta socota iyo siyaasadeynta hadda socota waa halis wiiqi karta horumarka muhiimka ah ee lagu tallaabsaday," ayay kusoo xireen.

Hadalka daneeyeyaasha caalamiga ah ayaa kusoo beegmaya iyadda oo Farmaajo uu shalay sheegay in uu hakiyey awoodihii wasiirka koowaad balse Rooble uu diidey talaabadaas kuna sifeeyay "shacri daro iyo dastuur jebin".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM