Beesha Caalamka oo baaq kasoo saartey xulista Aqalka Hoose

Image
Diblumaasiyiinta ayaa si aan toos ahayn uga hadlay daldalooda kasoo ifbaxay bilowga doorashada Golaha Shacabka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Beesha Caalamka oo u muuqata in si aan toos ahayn uga hadashay walaaca laga muujiyey qaabka ay ku bilaabatay xulista xubnaha Golaha Shacabka ayaa ku talisay xaqiijinta kalsoonida.

War qoraal ah oo Jimcada maanta ah kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in coddeynta ay noqoto mid natiijadeeda ay wada aqbali karaan daneeyeyaasha.

"Waxaan ku baaqaynaa in la tix geliyo xaqa ay musharixiinta u leeyihiin in ay isu soo taagaan doorashada iyadoo la marayo jawi ku dhisan tartan dhab ah oo xalaal ah," ayay hoosta ka xariiqeen.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

Saaxiibada caalamku waxay boorrinayaan in la dhammaystiro doorashada golaha shacabka oo loo dhan yahay, laguna kalsoonaan karo oo ay aqbali karaan dhammaan daneeyayaasha doorashada iyo shacabka Soomaaliyeed sida ku cad jadwal la shaaciyey, 24 ka Diseembar 2021 iyo in kadib doorashada madaxweynaha lagu soo gabagabeeyo si degdeg ah.

Waxaan ku baaqaynaa in daah-furnaan buuxda loo sameeyo dhammaan geeddi-socodyada la xiriira, oo ay ku jiraan magacaabista guddiga soo xulista, xulasta ergada, diiwaangelinta musharraxiinta, kuraas u xirirsta haweenka musharraxiinta ah, si loogu hoggaansamo qoondada boqolkiiba 30 ee lagu heshiiyey, iyo maareynta lacagaha musharraxiinta. Waxa aanu sidoo kale ugu baaqaynaa guddiyada doorashada inay fududeeyaan korjoogeynta dhammaan hawlaha goobaha cod bixinta.

Waxaan ku baaqaynaa in la tix geliyo xaqa ay musharixiinta u leeyihiin in ay isu soo taagaan doorashada iyadoo la marayo jawi ku dhisan tartan dhab ah oo xalaal ah.

Waxaan ku dhiirigelinaynaa ergooyinka iyo musharrixiinta doonaya inay soo gudbiyaan cabashooyinka doorashada inay sidaas ku sameeyaan iyagoo u maraya hababka sharciga ah ee loo sameeyay ujeedkan.


Dhinacyadda war-saxaafadeedkan saxiixay ayaa kala ah; Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Dhawaqa diblumaasiyiinta fadhigeedo yahay xerada Xalane ee Muqdisho ayaa kusoo beegmaya xilli tan iyo markii ay bilaabatay doorashadda Aqalka Hosoe ay isa soo tarayeen cabashooyinka ku aadan daahfurnaan la'aan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM