Beesha Caalamka oo baaq u diray DF iyo maamuladda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wakiilada Beesha Caalamka oo qoraal wadajir ah soo saarey ayaa walaac ka muujiyey is-mari-waaga ka taagan geedi u socodka doorashooyinka Soomaaliya ee sanadka 2020-21-ka.

"Sidaa darteed, waxaan mar kale ku celinaynaa baaqa aan u jeedineyno madaxda Dowladda Federaalka iyo DXF inay si deg deg ah dib u kulmaan ayna la xiriiraan saamilleyda kale si loo xalliyo tabashooyinka ku saabsan maareynta geedi socodka doorashooyinka iyadoo lagu xallinayo isafgarad wadar ogol ku dhisan si ay dhacdo doorasho waqtigeeda ku dhacda, daah furnaan, oo kalsooni lagu qabo oo ay wada aqbalaan dadka Soomaaliyeed iyo dhammaan daneeyayaasha muhiimka. Si taas loo gaaro, waxaan soo dhoweyneynaa ballanqaadka Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee ah inuu isugu yeero kulan ay madaxdu isugu yimaadaan magaalada Muqdisho ka dib booqashooyinka uu hadda ku marayo Dowlad-goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka," ayay sheegeen.

Bayaanka ayaa lagu daray: "Waxaa sidoo kale loo baahanyahay wadahadal iyo heshiis dheeri ah sida loo xaqiijin doono qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ee guddiyada, ergada dhexdooda, iyo kuraastaba".

Qaabka lagu xalinayo ashtakooyinka ka taagan guddiyada maamulaya coddeynta si gaar ah xubnaha la duray dhex-dhexaadnimadooda ayay ku taliyeen lagu saleeyo heshiiska doorashada ee September.

Diblumaasiyiinta ayaa soo jeediyey "in la billaabo hannaan is barbar socda ama in la isku qasbo guddiyada maareynta doorashada ee lagu muransan yahay ee aan buuxin shuruudihii lagu heshiiyey waxay wiiqeysaa sharcinimada hanaanka doorashada waxayna abuureysaa xasillooni darro".

Hogaamiyeyaasha dowladda federaalka ah iyo maamuladda ayay ku booriyeen in ay ka dhabeeyaan balanqaadkooda ku aadan in ay diyaar u yihiin wadahadal lagu dhameeyo is-qabqabsiga jira.

"Toddobaadyada soo socda, waxaan ku hanweynahay inaan la shaqeyno Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah si loo hormariyo go'aannada kale ee muhiimka ah ee ka soo baxay Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee u baahan dabagal degdeg ah. Kuwaas waxaa ka mid ah ilaalinta guulaha laga gaaray dib-u-eegista Dastuurka doorashada ka hor, wadatashiyo laga yeesho dejinta qorshe hawleedka tubta doorashooyinka 2024/25, saxiixidda hindise sharciyeedka hanti-dhawrka, dhammaystirka Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya, iyo u diyaar-garowga shirweynaha dhisidda ciidamada ee la qorsheeyay in la qabto bisha Janaayo 2021," ayay tibaaxeen.

War-saxaafadeedka uu arkay Garowe Online ayaa lagu soo gabagabeeyay "Inta lagu gudajiro muddadaas, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan daneeyayaasha inay ka waantoobaan hadal kasta ama fal kasta oo abuuri kara xiisado ama hurinta rabshado".

Dhawaqa Beesha Caalamka ayaa imaanaya xilli socdaalkii Ra'iisul Wasaare Rooble ee Garowe uu kusoo dhamaadey natiijo la'aan markii madaxweyne Deni ku adkeystay xalinta qodobadda la isku hayo.

Qadiyadaha miiska saaran ee wali aan xalka laga gaarin sababtana u ah dib-u-dhaca jadwalka doorashooyinka ee dowlada iyo maamualda ku heshiiyeen waa ciidanka dowlada geysay gobolka Gedo iyo guddiyada coddeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM