Beesha Caalamka oo bogaadisay doorashada Puntland

Image
Shacabka saddex kamid ah degmooyinka Puntland ayaa maanta waxay u dareereen doorashooyin toos ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Beesha Caalamka ayaa si weyn waxay u bogaadisay doorashada tooska ah ee Isniinta maanta ah ka bilaabatay saddex kamid ah degmooyinka dowladda Puntland.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska jamciyada qurumaha ka dhaxeysa ee Muqdisho ayaa coddeynta ku sifeeyay talaabo muujineysa in Soomaaliya ay geli karto qof iyo cod.

Korjoogtada caalamiga ah ee doorashooyinka Puntland oo bogaadisay qaabka ay cod-bixinta ku soconeyso ayaa shir jaraa'id waxay ka sheegeen in talaabadan ay tusaale u tahay in Soomaaliya inteeda kale ay ka qabsoomi karto coddeyn qof iyo cod ah.

"Wakiillo ka socda Qaramada Midoobay ayaa maanta booqday Qardho si ay u muujiyaan sida ay u garab taagan yihiin dadka reer Puntland iyadoo muwaadiniintu ka qaybgaleen geeddi socodka doorashada ‘hal qof iyo hal cod’ ee saddex degmo oo ka tirsan Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka," ayaa lagu yiri bayaanka.

War-saxaafadeedka ayaa la raaciyey: "Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay rumeysan tahay in doorashooyinka ‘hal qof iyo hal cod’ ee ka dhacay Qardho, Eyl iyo Ufeyn oo guul lagu soo gabagabeeyay ay noqon doonto tallaabo muhiim ah oo muujineysa suurtogalnimada doorashooyin guud ee codbixinta heer deegaan, heer dowlad goboleed iyo heer qaran ee guud ahaan dalka".

"Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ku bogaadinaysaa Guddiga Ku -meelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), dowladda iyo shacabka Puntland sida ay uga go’an tahay qabashada doorasho toos ah, sida ku cad Dastuurka Puntland," ayaa lagu soo xiray.

Guud ahaan goobaha cod-bixinta doorashooyinka dowladaha hoose ee Puntland ayaa xirmay. Coddeynta waxay bilaabatay 6-dii subaxnimo waxayna soo idlaaneysay 6-da maqribinimo.

Tani ayaa waxay ka dhigan tahay in tirinta ay bilaabaneyso. Guddiga KMG doorashooyinka Puntland ayaa waxaa la filayaa in ay ku dhawaaqaan natiijada kama dambeysta ah ee coddeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM