Beesha Caalamka oo dalab u dirtey madaxda Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Dhawaqan ayaa imaanaya xilli wakiilo ka socdey daneeyeyaasha ay la kulmeen golaha wadatashiga qaranka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Saaxiibadda caalamka ee Soomaaliya ayaa maanta cod dheer waxay uga dalbadeen golaha wadatashiga qaranka in ay dedejiyaan geeddi-socodka doorashadda.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in daneeyeyaasha ay adkeeyeen ahmiyadda ay leedahay in coddeynta noqto mid hufan.

Dhawaqan ayaa kusoo aadaya xilli wakiiladda ay ka qeybgaleen maalintii labaad ee shirka golaha wadatashiga qaranka kaasoo xal loogu raadinayo madmadowga ku xeeran doorashada.

"Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan waxa uu ku faraxsan yahay inuu ku biiro saaxiibada caalamiga ah ee maanta Muqdisho kula kulmay Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuuna ku dhiirigeliyay golaha inay dedejiyaan geeddi-socodka doorashada Soomaaliya si loo hormariyo kalsoonida dhammaan shacabka Soomaaliyeed," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa al raaciyey: "Saaxiibada beesha caalamka ayaa sidoo kale dhiirigeliyay in la horumariyo habraaca doorashada, oo ay ka mid tahay in la saxo khaladaadka ku jira xeerarka habraacyada iyo in la xaqiijiyo waqtiyo cad oo loogu talagalay in si degdeg ah loo soo gabagabeeyo doorashooyin lagu kalsoonaan karo,".

"Waxayna xuseen in dhameystirkooda uu u oggolaan doono Soomaaliya inay diiradda saarto arrimaha kale ee mudnaanta leh sida amniga iyo horumarka," ayaa lagu soo xiray qoraalka.

Doorashadda baarlamaanka iyo madaxtinimada Soomaaliya ayaa dib u dhacdey muddo sanad ah waxaana ugu wacan is-faham-waa ka taagan habraaca iyo daahfurnaanta nidaamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo diiday nidaamka cusub ee E-Visa, kuna eedeysay DFS faragelin sharci-darro ah

Maamulka Puntland wuxuu si joogto ah u difaacay madaxbannaanida uu ku leeyahay maamulka gudaha ee kaabayaashooda muhiimka ah.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 06:27AM

Madaxweyne Xasan Sheekh maka qeybgalayaa Xarig Jarka Biyo-xireenka Nile

Ruto iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku sugan Addis Ababa, oo la filayo inay munaasabadda ka qeybgalaan.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 07:40PM