Beesha Caalamka oo ka walaacsan Khilaafka Madaxda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladaha Beesha caalamka ayaa war qoraal oo ay soo saareen ku sheegay inay ka walaacsan yihiin Xisadda Siyaasadeed ee ka dhex aloosan hay'adaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

War Saxaafadeedka oo kasoo baxay QM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Ingiriiska, Mareykanka ayaa loogu baaqay Madaxda sare ee dowladda in la xaliyo khilaafka jira.

Waxay ugu baaqeen hogaamiyaasha dalka iyo Siyaasiyiinta inay dhowraan sharciga iyo Dastuurka Federaalka ee KMG ah, islamarkaana wadahadal lagu dhameeyo xiisadda siyaasadeed ee taagan.

Beesha Caalamka ayaa hoosta ka xariiqday in Khilaafka soo cusboonaaday uu dhabar-jab ku noqonayo guulaha laga gaarey dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Amaanka, sidoo kalena uu dhaawacayo sumcada Soomaaliya.

"Waxyaabaha sare u qaadi kara Xiisadaha siyaasaadeed ee taagan, islamarkaana horseedi kara qalalaase inuu dhaco waa in laga fogaadaa," ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka Beesha Caalamka.

Beesha Caalamka waxay ku boorisay Gollaha Shacabka iyo Xukuumadda inay wadahadlaan maalmaha soo aadan, kuna dhameeyaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhaxeeya qaab nabdoon oo Dastuurka waafaqsan.

Ugu dambeyn, qoraalka ayaa lagu sheegay in Beesha Caalamka ay bogaadinayso Kooxaha iyo Shaqsiyaadka dhex-dhexaadinaya dhinacyada is-haya, ee khilaafka uu u dhaxeeyo.

Baaqa Beesha Caalamka ayaa kusoo beegmaya xilli Mooshinka kalsooni kala noqosho ee laga soo gudbiyey Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari la filayo in saacadaha soo socdo laga doodo.

Jawaari ayaa ku eedeeyay Xukuumadda inay duulaan kusoo qaaday Hay'adda Sharci dejinta dalka [Baarlamaanka] islamarkaana ay gadaal ka riixayso Mooshinka isaga laga keenay, kaasi oo saxiixiyaashiisa ay ku jiraan Wasiiro iyo ku xigeenno.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM