Beesha caalamka oo ka hortimid kordhinta tirada Aqalka Sare [War-saxaafadeed]
MUQDISHU, Somalia- Beesha caalamka ayaa walaac ka muujiyay go'aanka ay soo saareen Madasha Hogaanka Qaranka oo ku aaddan kordhinta tirada aqalka sare ee Barlamanka Somalia iyo xubnaha la diidanaa doorashadooda oo madashu cafisay.
War Saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen Mareykanka, Midowga Yurub, IGAD, Midowga Africa, UN-ka, Belgium, Italy, Netherlands, Sweden iyo UK ayaa lagu sheegay inay kasoo horjeedaan go'aanka Shirka Madasha lasoo soo saarey 24 December.
Waxay si cad u diiday Beesha caalamka in Aqalka sare lagu kordhiyo 18 xubnood oo cusub, iyagoo sheegay in taasi kahor imaanayso hannaanka doorashada Somalia ee lagu heshiiyay, kaasi oo qeexayo tirada labada aqal ee Baarlamaanka.
Beesha caalamka ayaa sheegay in dhaarinta xildhibaanada cusub ay tahay tallaabo hore loo qaadey, balse loo baahan yahay in aan waxba laga bedelin Kuraasta aqalka sare oo ah 54 xubnood.
War saxaafadeedka Beesha caalamka waxaa lagu sheegay in haddii loo baahdo in la kordhiyo tirada aqalka sare, laga dhigo Doorashada Madaxweynaha kadib, iyadoo loo marayo hanaan la isku raacsan yahay oo waafaqsan dastuurka Somalia.
Beesha caalamka waxay soo dhoweysay go’aankii Madasha kasoo baxay 26-kii bishan ee lagu sheegay in lagu laabanayo doorashada 5 ka mid ah kuraasta Aqalka Hoose, hase yeeshee waxay sheegeen in Madasha ay ku guul darreysatay inay wax ka qabato tiro kale oo kuraas ah oo ka dhashay xadgudub lagu sameeyey hanaanka doorashada, ayna ku jiraan kuraas loogu talo-galay haweenka balse ay kusoo baxeen rag.
Beesha caalamka waxa ay sheegtay in go’aanka Madasha ay ku saamaxeen musharaxiin ay guddiyada doorashada laaleen codeyntooda sababo la xiriira tuhun xadgudub iyo qaladaad ay cafis buuxa siineyso qaar ka mid ah sharci darrooyinkii ugu xumaa ee ka dhex dhacay doorashooyinka.
Beesha caalamka waxa ay sheegtay in haddii musharaxiintan loo ogolaado inay ka mid noqdaan baarlamanka cusub ay taasi su’aal gelin doonto ballanqaadkii hogaanka Madasha Qaran ee ahaa hanaan doroasho oo ku dhisan sugnaansho iyo isla xisaabtan.
Waxaa loogu baaqey Hogaamiyaasha Madasha inay doorashada Madaxweyna kasoo hormariyaan 19-ka January, ee 2017 xilligaasi oo uu furmayo Shirka Golaha amniga ee looga hadli doono Arrimaha dalka Somalia.
Beesha Caalamka ayaa sidoo kale tilmaamtay inay arrintani horseed ka noqon doonto inay ka fiirsadaan la shaqaynta dowladda cusub ee dalka Somalia yeelan doono.
Waxaa la sugayaa jawaab celinta ay sameeyaan beesha caalamka oo dowladda Federaalka ee uu hogaaminayay Xasan Sheekh aad ula shaqaysay.
Halka ka akhri warsaxafadeedkaan oo ku qoran afka Ingriiska.
GAROWEONLINE