Beesha caalamka oo ku baaqdey in deg deg loo dhiso xukuumad

Image

MUQDISHU Jan 23, 2015 [GO]- Beesha caalamka ayaa ka walaacsan higsiga 2016-ka ee Soomaaliya oo ah in la gaaro doorashooyin xor ah. sida lagu sheegay war ay wadajir u soo saareen Qaramada midoobey, IGAD, Midowga Afrika, Midowga Yurub, USA iyo UK.

Qoraalkan ayaa soo baxay [21 Jan 2015] kadib markii xubnaha beesha caalamka Muqdishu kula shireen madaxda dowlada Federaalka Muqdisho ku sheegeen madaxda hay'adaha siyaasadda ee urruradaas iyo madaxda sar sar ee Soomaaliya sida madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid.

Beesha caalamka waxey ka dayriyeen dib u dhaca siyaasadeed ee Somalia oo sal uga dhigeen is qabqabsiga iyo khilaafka daba dheeraaday, si arrintaas aysan mushkilad kale u noqona waxay ku baaqeen in la soo dhiso xukuumad la hubo oo uusan Baarlamanku soo celin.

"Dib u dhaca oo sii socdaa wuxuu khatar gelin karaa horumarka Soomaaliya ay ka hiigsanayso dhinaca amniga iyo siyaasadda." ayaa lagu yiri warsaxafdeedkaan.

Arrintani waxay ku soo beegan tahay xili aan weli la soo magcaabin xukuumadii la sugayey ee Ra'isal wasaare Sharmaake, tasoo uu dib ula noqday kadib markii baarlamanku sheegeen in aysan aqbali doonin.

Dhamaadkii sanadkii dhowaa markii la tuuray Ra'isal wasaarihii hore Cabdiweli Sheikh Axmed Maxamed ayaa beesha caalamka ee Somalia taageertaa waxay muujiyeen dareen aan wanaagsanayn oo ay ka qabaan siyaasadda dowlada Federaalka.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo goor sii horaysay ka hadlay qorshaha doorashooyinka la filayo 2016-ka ee Soomaaliya, wuxuu sheegay in ay ula muuqdaan kuwa aan macquul ahayn in la qabto, isagoo intaas ku daray inaan laga fursan karin in wakhtiga doorashooyinkaas dib loo dhigo arintaas oo dad badan ka hor yimadeen.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegayan in Madaxweyne Xasan Shiikh iyo la taliye-yaashiisa siyaasada qorsheynayaan iney helaan waqti kordhin muddo Labo sano ah iyaga oo fikirkas ka iibanaya wadamada ciidamada AMISOM ka joogaan Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Kulamadii Gollaha Shacabka oo Dib u Bilaabmay Kadib Maalmo Ismari-waa ah

In kasta oo khilaafkaasi weli uu saamayn leeyahay, haddana dib u bilaabashada kulamada baarlamaanka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 02:00PM

Lugatoor: Beesha caalamka hal dollar kuma bixin dagaalka Puntland kula jirto ISIS

Waxa uu sidoo kale ammaanay kaalinta Soomaalida qurbaha, kuwaasoo uu sheegay inay bixiyeen malaayiin dollar si ay u taageeraan dagaalka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 01:46PM