Beesha caalamka oo tageertey go'aankii Xasan Shiikh

Image

Wararka aan Ka heleyno Muqdishu ayaa sheegaya in xubnaha beesha caalamka la kulmeen madaxda dowlada qaybta ka ah Federaalka Somalia lana socodsiiyeen iney tageeraan go'aanka madaxweyne Xasan Shiikh.

Kulankaan oo uu goob  joog ahaa madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa wararka aan heleyno sheegayaan in waftiga Puntland diideen soo jeedinta xubnihii Ka socdey beesha caalamka.

Go'aanka beesha caalamka ayaa imaanaya xilli madaxweynaha Somalila u duuley maanta wadanka Kenya halkaas kaga qayb galayo baroordiiq loo sameynayo ciidamada Kenya ee lagu weerarey degaanka Ceelcad Somalia.

Dhinaca kale Ra'isal wasaaraha Somalia ayaa kulan degdeg ah isugu yeeray golaha wasiirada iyadoo la filayo in lagaga hadlo Arimaha soo kordhey.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in go'aan xukuumada Somalia isku raacdey laga dhigo doono hadalkii madaxweyne Xasan Shiikh Ka jeediyey kulankii Jimacaha 25 Jan,2016 kasoo lagu kala kacey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM