Beesha Caalamka oo si jilicsan uga hadashay doorashada

Image
Dhawaqan ayaa kusoo aadaya xilli eedeymo boob ay hareeyeen geedi-socodka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Beesha Caalamka ayaa qoraal jilicsan kasoo saartey doorashooyinka eedeymo daahfur la'aanta iyo boobka ay hareeyeen ee xubnaha golaha shacabka baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Saaxiibada caalamku* waxa ay ka war hayaan in doorashada kuraasta Golaha Shacabka ay qiyaastii kala bar qabsoontay. Saaxiibada caalamku waxay mar kale hoosta ka xarriiqayaan baahida loo qabo in sixidda qaladaadka habraaca loo wajaho si dhexdhexaad ah oo daah-furan si loo dhiso kalsoonida geeddi-socodka doorashada iyo natiijadeedaba.

Sida lagu qeexay War-murtiyeedka Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) ee bishii Janaayo, musharrixiinta waa inay xor u ahaadaan inay u tartamaan caqabad la'aan.

Suxufiyiintu ay awood u yeeshaan inay tebiyaan, bulshada rayidka ahna ay si xor ah u kormeeraan hawlaha doorashada cabsi gelin la’aan. Sidoo kale, waxaan ugu baaqaynaa dhammaan madaxda inay ka fogaadaan sii baahidda xiisadda siyaasadeed, lana xaqiijiyo in ciidamada ammaanka aan loo isticmaalin sidii qalab siyaasadeed.

Saaxiibada caalamku waxay ku celinayaan walaaca ah in qoondada boqolkiiba 30-ka ee matalaadda haweenka ee baarlamaanka aan la gaarsiineyn, waxa ayna ku baaqayaan in tallaabooyin degdeg ah lagu saxo kuraasta harsan.

Maadaama wakhtiga kama dambeysta ah ee ay isku raaceen Golaha Waatshiga Qaran bishii Jannaayo 2022 uu ku eg yahay 25 Feberaayo, bah-wadaagtu waxa ay dhiirigelinayaan sii wadidda dardargelinta, si loo xaqiijiyo dhammaystir degdeg ah, laguna kalsoonaan karo  ee geeddi-socodka doorashada.

*Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM