Beesha Caalamka oo taageertay shirka Rooble iclaamiyey

Image
Saaxiibadda caalamka ayaa ku baaqdey in sidda ugu dhaqsiyaha badan loo saxo daldalooda la arkay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Beesha Caalamka oo taageertay shirka Rooble iclaamiyey in golaha wadatashiga qaranka ku yeesho Muqdisho ayaa ugu baaqdey madaxda Soomaalida in ay degdeg u soo afjaraan hanaankan doorashada.

War-saxaafadeed kasoo baxay diblumaasiyiinta ayaa hoosta looga xariiqay in laga maarmaan ay tahay in geedi-socodka doorashooyinka uu noqdo mid kusoo gabagabooba qaab nabdoon oo daahfuran.

Sida laga soo xigtey bayaankan nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, saaxiibadda caalamka ayaa doonaya in la saxo daldaloollada la arkay si loo xaqiijiyo in natiijadu ay heli doonto taageerada

"Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxa ay soo dhoweynayaan qorshaha lagu qabanayo kulanka fool ka fool ah u yeelanayo Golaha Wadatashiga Qaran oo diiradda lagu saarayo hagaajinta iyo dardargelinta hannaanka doorashada," ayay sheegeen.

Wuxuu ku daray: "Waxaan mar kale ku celinaynaa baaqayada ku aaddan daahfurnaan buuxda ee dhammaan hababka la xiriira. Waxaan weli sii buuxda u taageeraynaa hanaan kasta oo ku saleysan oo ixtiraama heshiisyadii 17kii Sebtembar 2020 iyo 27-dii May 2021".

"Waxaan madaxda Soomaaliya ugu baaqeynaa inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo gebagebeeyaan hannaanka doorashada, waxaana ku baaqeynaa hirgelinta kor u qaadis lagama maarmaan ah si loo saxo daldaloollada la arkay si loo xaqiijiyo in natiijadu ay heli doonto taageerada iyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed," ayuu hoosta ka xariiqay.

Qoraalka waxaa ku saxiixan; Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM