Beesha caalamka oo bixinaysa qeyb kamid ah dhaqaalaha doorashada Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Beesha Caalamka ayaa sheegtay inay bixin doonto qeyb kamid ah dhaqaalaha ku baxaya doorashada 2016, ee la filayo inay dhacdo Octoobar 30.

War saxaafadeed si wadajir ah usoo saareen dowladaha daneeya arrimaha Somalia ayaa waxay ku sheegeen in 60% Lacagta doorshada ay bixin doonaan halka 40% hartey ka imaan doonto Lacagaha diiwaangelinta Musharaxiinta iyo ilaha dhaqaalaha dowladda.  

Mareykanka, Midowga Yurub, Midowga Africa, IGAD ayaa sheegay in dhaqaalaha ay ku bixinayaan doorashada uu maamuli doono gudi Madaxbanaan oo qaramada midoobey kor ka eegi doonaan taasoo lagaga hortagayo inuusan dhicin Musuqmaasuq.  

Warsaxafdeedka kasoo baxey wakiilada wadamadaan ayey ku  baaqeen in doorashada Somalia dhacdo waqtiga lagu balamay, una dhacdo si xor iyo cadaalad ah, si looga fogaado qalalaase siyaasadeed oo cusub xilligan kala-guurka ah.

Michael Keating, oo ah ergayga gaarka QM u qaabilsan Somalia, ayaa sheegay in Somalia  kusoo wajahan tahay xilli xasaasi ah,  oo loo baahan yahay in aan wax laga bedelin habka loo dejiyay dorashada.  

Dowladda Somalia ayaa horey uga dalbatay beesha caalamka inay ka taageerto dhanka dhaqaalaha lagu hergelinayo doorashada soo socoto. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Beesha Caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah oo ka dhacda Soomaaliya

Kulankan oo dhacay maalintii Isniinta ayaa waxaa fool-ka-fool uga qeyb galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan mucaaradka.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 09:04AM

Villa Somalia oo billowday ololaha oorashadda Gudoomiyaha cusub ee Gollaha Shacabka

Qaar kamid ah siyaasiyiinta damacsan xilalka cusub ayaa sidoo kale wajahaya caqabado gudaha beelahooda ah.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 05:37AM