Beyle oo Shir looga hadlayo Maaliyadda ka furay Kismaayo [Sawirro]

Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Shirka looga hadlayo arrimaha maaliyadda ayaa maanta oo Talaado ah waxa uu ka furmay magaalada Kismaayo, ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle, Wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka ayaa daah-furay Shirkan, oo ay ka qeybagalaayan Wasiiradda maaliyadda dowlad goboleedyada dalka.

Ajandaha kulanka ka furmay Kismaayo ayaa ah sidii loo midayn lahaa qaabka maaliyadeed ee dalka iyo canshuuraha ay qaadaan maamullada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dr Beyle ayaa wado qorshe sare loogu qaadayo dhaqaalaha dalka, isagoo wadashaqeyn kala sameynaya Wasaaradaha maaliyada dowlad goboleedyada, oo qaarkood wali lahayn ilo dhaqaale oo shaqeeya.

Miisaaniyadda 2018-ka ee dowladda Federaalka oo soo diyaariyay Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa waxaa amaanay Hay'adda Lacagta Adduunka ee IMF oo sheegtay inuu buuxiyay shuruudaha caalamiga.

IMF ayaa sheegtay in Miisaaniyadda cusub ee dhawaan Gollaha Shacabka meelmariyeen oo gaaraysa $274 Milyan ay ku badan tahay deeqaha dibadda ay ka hesho Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa lagu leeyahay mudo 25 sano ah deymo lacag dhan 5.2 Billion taasi oo kahor istaagaytay inuu deymo kale ka helo IMF, iyo in loo ogolaado maalgelin dhaqaale oo ka yimaada hay'adaha caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM