Beyle: Soomaaliya waxay cagta saartay wadadii soo kabashada Dhaqaalaha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa ka warbixiyay dakhliga gudaha, taasi oo ah billowga soo kabashada dhaqaalaha.

Beyle oo ka hadlayay Shir jaraa'id oo uu Xafiiskiisa ku qabtey ayaa sheegay in saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay usoo xarootay dowladda Federaalka lacag gaaraysa 42.5 Milyan oo Doollarka Mareykanka.

Isagaa ka jawaabayay su'aal ahayd halkee adinka soo gashay lacagtan, ayaa ku jawaabey Wasiirka: "Dowladda dhaqaalaha waxaa kasoo gala Muqdisho oo kaliya waxaana ugu badan Dekedda weyn."

Beyle oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in kobac dhaqaalaha uu ku yimid illo dhaqaale oo badan, oo la isku aruuriyay, sida canshuurta gadista [VAT], oo hadda dowladda ku qaado dekedda magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in ay qaadeen tallaabooyin wanagsan, oo horseedi kara in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay, iyadoo heshiis ay dhawaan kula galeen Hay'adda lacagta adduunka IMF inay kobciyaan dakhliga gudaha.

Wuxuu beeniyay Beyle in marka ay xilligan oo kale jiro Khilaaf u dhaxeeya Madaxda sare ee dalka dhaqaalaha dowladda loo adeegsado ololaha mas'uul lagu ridayo, ama lagu dooranayo.

Guulaha ugu waaweyn ee Wasaaradiisu gaartey tan iyo sanadkii tagey ayaa waxaa kamid ah in la sameeyay Hal Akoon [Single Treasury], oo kusoo dhaca dhamaan dhaqaalaha dowladda iyo deeqaha uu caalamka ugu deeqo Soomaaliya.

Beyle ayaa xusay in Akoonka uu isaga ugu magac-daray "Haanta Qabo" daboolkeeda uu aad u adag yahay, islamarkaana aan si sahal ah wax loogala bixi karin, taasoo ay uga hortageen musuq-maasuq badan oo horey dalka uga jiray.

Dhanka kale, Gudoomiyaha gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Yariisow ayaa isna sheegay in Shacabka Mugadisho bixiyeen Canshuur dhan $42.5 milyan oo ay siiyeen Dowladda Federaalka 3dii bilood ee 2018.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM