Biixi: la hadli mayno D. Federaalka haddii aan nala dhexdhexaadin

Image

March 18, 2015 (GO)- Somaliland ayaa shuruud ku xirtey wahadal ay mar kale la furto Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay in kulan beesha caalamku goob joog ka ahayn Somaliland mar dambe la yeelan doonin Dowladda Federaalka.

"Somaliland waxaa ka go'an in aanay marna la fariisan doonin Soomaaliya, iyadoo aan la dhex gelin" ayuu yiri isagoo ku eedeeyey Dowladda Federaalka inaysan wada xaajoodka daacad ka ahayn.

Bishii hore ee February waxaa fashilmey shir ka dhici lahaa magaalada  Istanbul ee dalka Turkiga kaasoo ergooyin Soomaaliya iyo Somaliland kala metelayaa isku soo hor fariisan lahaayeen.

Shirka ayaa qabsoomi kari waayey kaddib markii Somaliland  shardi ka dhigtey in ergada Dowladda Federaalka laga saaro xubno -sida Somaliland ku dooddey- deegaan ahaan kasoo jeeda dhulkeeda arrintaasoo wafdiga Dowladda Federaalku ka biyo diideen.
Xubnaha Somaliland dalbatey in shirka laga saaro waxaa kamid ah: Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Federaalka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Cali Axmed Jamac Jangeli Wasiirkii hore ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Saciid Qoorsheel iyo xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Xildhibaan Cilmi.

Bishii December ee sanadkii hore (2014) waxaa magaalo madaxda dalka Jabuuti ee Jabuuti ku kulmey Madaxweyneyaasha Dowladda Federeraalka iyo Somaliland; Xasan Sheekh Maxamuud iyo Axmed Maxamed Siilaanyo. Heshiis dhowr iyo toban qodob ka koobnaa ayey labada dhinac wada saxiixdeen xilligaas, waxaan ku jirtey in lasii dardargeliyo wadahadallada, kulanka xigana laysugu yimaado Feb 27/28, 2015.

Mas'uuliyadda qabsoomid la'aanta kulanka labada dhinac midba midka kale ayuu ku eedeeyey.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM