Bilaabida doorashada xubnaha golaha shacabka oo la shiray

Image
Rooble ayaa xalay guddoomiyay shir ay habka fogaan aragga ku yeesheen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa xalay wuxuu guddoomiyay shir ay habka fogaan aragga ku yeesheen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka.

Sida ay muujinayaan xogaha uu warsidaha Garowe Online la helayo illo wareedyo loo qaateen ah , is-aragan waxaa kaasoo lagu saaray habsami u socodka howlaha doorashooyinka dalka.

Sidoo kale, hogaamiyeyaasha ayaa ka arin-sadey "in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo doorasha xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS iyadoo la tix raacayo jadwalkii doorashooyinka dalka".

"Guddoomiyaha Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Federaal oo shirka qeyb ka ahaa ayaa madaxda la wadaagay warbixin ku saabsan howlaha guddiga ee ku aaddan hab sami u socodka howlaha doorashooyinka," ayaa la raaciyey qoraalka kasoo baxay xafiiska Rooble.

Wadaxaajoodkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu dib-u-dhac ku yimid shirkii lagu wadday in madaxda maamuladda ay ku yeeshaan magaala madaxda dowladda Puntland ee Garowe.

Warsidaha GO  ayaa fahansan in shirkaas uu caro xoogan ka muujiyey Rooble oo u arkay mid awood-siisay warqadii madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo ku dhimay awoodihiisa.

Farmaajo iyo Rooble ayaa isku maan-dhaafay qaabka loo maareynayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo noqdey mid xiisad siyaasadeed ka dhex-abuuray hogaanka dalka halisna geliyey doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM