Biyo la'aan ka jirta Buurhakaba iyo deegaanada hoos taga

Image

March 10, 2015 (GO)- Biyo la'aan baahsan ayaa laga soo sheegayaa degmada Buurhakaba ee gobolka Bay iyo deegaanada hoos taga.

Qiimaha biyaha ayaa aad kor ugu kacay, waxaana lagu soo waramayaa in halkii fuusto oo biyo ah lagu kala iibsanayo shan doolar oo u dhiganta boqol kun oo shilinka Soomaaliga ah.

Ceelashii biyaha laga dhaamin jirey ayaa intooda badan gurey, maadaama markoodii horeba ay ahaayeen kuwo xilli roobaadka ku xiran oo marka abaarta la gaaro qallala.

Todobaadyadii u dambeeyey waxaa biyo dhaamis laga waday dhulka miyiga ah ee Buurhakaba hoos taga, waxaase adag in biyaha la gaarsiiyo dhammaan dadka u baahan.

Abaarta oo ka jirta dhul badan oo ka tirsan gobolka Geeska Afrika, waxay sidoo kale saamaysay qaar kamid ah deegaanada Puntland, inkastoo xaaladoodu sahlan tahay marka loo barbar dhigo tan ka jirta gobolka Bay.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM