​Bomb lagu weeraray ciidamo katirsan dowladda Soomaliya

Image

MUQDISHU, Somalia- Weerar loo adeegsaday bomb gacmeed ayaa maanta lagu weeraray ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa suuqa Bakaaraha, waxaana soo gaaray dhawacyo kala duwan sida ay noo xaqiijiyeen goob joogayaal ku sugnaa halka weerarku ka dhacay.

Ilaa saddex askari ayaa dhaawacmay iyo ruux shacab ah oo watay Mooto kaasi oo ka agdhawaa halka ciidamadu joogeen.

Bamb-kan, waxaa tuuray  dhalinyaro la sheegay inay katirsanyihiin ururka Al Shabaab, kuwaasi oo goobta ka baxsaday.

Ciidamada la weeraray ayaa qaraxa kadib furay rasaas inkastoo aysan jirin cid ku waxyeelloowday.

Dhinaca kale wasaaradda Amniga Gudaha dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay inay fashiliyeen weerar la la doonayay in loo adeegsado Mooto.

Afhayeenka wasaaradda Amniga Gudaha, Cabdimaalik Macallin oo warbaahinta kula hadalayay magaalada Muqdishu, ayaa sheegay in Mootadaan ku qaraxday Meel ku dhow Xero Jarmal, uuna ku dhintay Ruuxii waday oo uu sheegay inuu ka tirsanaa Al-shabaab kuwaasi oo  dagaal kula jira Dowladda Somalia iyo Ciidamada AMISOM.

“Ciidamada Amnigu waxay goobtii uu qaraxu ka dhacay ka billaabeen Baaritaanno ay ku ogaanayaan halka lagu soo diyaariyay,” Ayuu yiri Cabdimalik Macallin.

Weerarada Al Shabaab ee magaalada Muqdishu ayaa xoogaystay intii lagu jiray bisha barakaysan ee Ramadaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM