Booliska oo lagu wareejiyay Amniga Muqdisho iyo Safiiro la magacaabay

Image

MUQDISHO, Sooamaaliya - Shirkii Khamiis laha ee Gollaha Wasiiradda ee Xukuumadda Soomaaliya, ayaa waxaa laga soo saarey go'aano xilli ay jiaraan caqabado badan oo amniga ugu horeeyo.

- Amniga -

Wasiirka Amniga Soomaaliya, Maxamed Abuukar Ducaalle Islow ayaa Gollaha horageeyay qoraal uu ugu wareejiyay amniga caasimadda dalka ciidamadda Booliska Soomaaliya.

Qoraalka waxaa ku xusnaa in la farayo Taliyaha ciidamadda Booliska inuu si deg deg u howlgeliyo Guutadda 14-ka October, kuwaasoo amaanka caasimadda guud ahaan la wareegay.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa dhanka kale la faray in ciidamada cusub ee nabad-gelyadda Muqdisho loo xil-saarey inay u diyaarsano bil walba mushaarkooda iyo xuquuqdooda kale.

- Safiiro cusub -

Sida ku cad qodobadda kasoo baxay shirka Gollaha, wasaaradda arrimaha dibadda ayaa soo bandhigay magacaabida saddex safiir oo cusub, kuwaasoo dowladda u magacawday dalal aanan la shaacin wali magacyadooda.

Safiiradda cusub ayaa waxay kala yihiin; Maxamed Axmed Nuur [Tarsan] Cabdiraxmaan Odowaa, Cabdirisaaq Axmed Sheekh Maxamed Shoolle iyo Cabdullaahi Maxamed Odawaa.

Tarsan ayaa la sheegay in loo magacaabay Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Odowaa oo isla loo wado Sacuudiga iyo Shoolle oo lagu soo waramayo in loo dirayo dalka Qadar.

- Qodobada kale -

Inta uu socday shirka, Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa wuxuu soo bandhigay qaraar uu ku codsanayo in lagu xoojiyo dib u dhiska dalka, kaasoo cod aqbalbiyad ah lagu meel-mariyay.

Shirkii arrimaha Soomaaliya ee Brussuls ayaa sidoo kale kulanka looga hadlay, xili Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka uu Golluhu uga warbixiyay, isagoo cadeeyay inay kasoo baxeen qodobo muhiim ah.

Wuxuu tilmaamay in Beesha Caalamka inta uu socday kulankaan ay ugu deeqeen dowladda Hal bilyan oo Dollar, taasoo uu tilmaamay inay si toos ah ugu soo dhaceyso Qasnadda dowladda.

Ugu dambeyn, Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa uga mahad-celiyay bahda waxbarashada Soomaaliyeed dadaalkii ay u galeen in ay dhisaan aqoonta bulshada xilligii burburka isaga oo qiray in ay usoo dul-qaateen xilli ay adkayd in lagu dhiirrado fulinta qorshayaal horumarineed oo bulshada lagu bad-baadinayo.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA SHIRKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM