Booliska oo shaaciyey in lasoo afjaray weerarka Hotel Villa Rays

Image
Afhayeenka bileyska Sadiiq Doodishe ayaa tirada dableyda ku tilmaamay lix oo uu ku jiray hal is-miidaamiye.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Booliska Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah shaaciyey in ay soo afjareen weerarkii Hotel Villa Reys. Ku dhowaad 20 saacadood ayay ciidamadda la xarbinayeen kooxda gashay dhismaha.

Afhayeenka bileyska Sadiiq Doodishe oo la hadlay oo muuqaal laga soo duubay ayaa tirada dableyda ku tilmaamay lix oo uu ku jiray hal is-miidaamiye. Shan kamid ah ayuu xusay in ciidanku toogteen.

"CIidanka ayaa sidoo kale waxay soo badbaadiyeen 60 qof oo u badan shacab. Waxaa weerarkan ku dhintey sideed qof shacab ah. Waxaa shahiiday hal askari," ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Balse, ma uusan ka jawaabin su'aallaha dad ay iska waydiinayaan dhacdadan oo ay kamid tahay sidda maleyshiyaadka hubeysan ay ku tageen goobta uu falku ka dhacay.

Weerarka loogu daatay Villa Rossa ee Muqdisho ayaa duulaankii saddexaad oo toos ah oo dabley Shabaab ah ay ku galaan Hotel tan iyo markii la doortey hogaanka cusub ee dowladda Soomaaliya bishii May, 15, sanadkan 2022.

Dhacdan waxaa ka horeeyay Hotel Xayaat oo dabley Al-Shabaab ay muddo saacado ah ka dhex-dagaalameen August, 19, 2022 iyo Hotel Tawakal ee Kismaayo oo la beegsadey October, 23, 2022.

Villa Rays oo ah hotel iyo maqaayad ayaa hoy u ahayd mas'uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka gaar ahaan Wasiiro iyo Xildhibaano heer federaal ah waxaana ay ku dhow-dahay xabsiga sidda weyn loo ilaaliyo ee Godka Jilacow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM