Boqolaal dhalinyaro ah oo lagu qabtay Howlgal ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Xasilinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa boqolaal dhalinyarro ah ku qabtay howgal ay ka fuliyeen Xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

Howlgalka ayaa ahaa mid ballaaran oo billowday xalay saqdii dhexe, islamarkaana socday illaa saaka kadib salaadii subax, waxaana Ciidamada ay bartilmaameedsadeen xaafadaha Siigaale iyo Soona-Kay oo katirsan degmada Hodon.

Dhalinyarada ayaa laga soo baxay guryahooda oo loogu galay xilli ay hurdayeen xalay, iyadoo la isagu geeyay meel banaan ah, halkaas oo lagu kala saarey, oo qaar badan oo kamid ah lasoo daayay markii dambe, iyadoo kuwa kale la dhigay xabsiga.

Holwgalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii shalay lagu dilay degmada Hodon nin la sheegay inuu ahaa gudoomiye waaxeed kaasi oo Koox hubaysan ku toogteen meel uu fadhiyay oo ku taalla inta u dhaxaysa Isgoysyada Shaqaalaha iyo KPP.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM