Boqolaal kamid ah ciidanka Jubaland oo tababar loosoo xiray

Image
Image
Image
Image

October 9, 2014 (GO)- Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) ayaa tababar usoo xiray boqollaal askari oo kamid ah ciidamada ammaanka ee maamulka Juba.

Askartan oo tiradoodu gaareyso saddex boqol waxaa afartii bilood ee lasoo dhaafay lagu tababarayey deegaanka Qandal ee magaalada Kismaayo koonfurta kaga beegan.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) oo munaasabadii tababarka lagu soo xirayey ka hadlay, wuxuu sheegay in Jubaland u baahan tahay ciidan xoogan tayadooduna fiican tahay si ammaanka loo sugo horumarna loogu tallaabsado.

Dhanka kale Madaxweynuhu wuxuu ku dhiiri geliyey askarta tababarka loosoo xiray inay dadaal iyo karti dheeri ah muujiyaan si fiicanna uga soo dhalaalaan waajibaadka adag ee ka saaran ilaalinta dadkooda iyo dalkooda.

Waa markii labaad muddo afar bilood gudahood ah ee tababar loosoo xiro ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Maamulka Jubba, waxayna arintani kusoo aadeysaa xilli ciidamada Jubaland oo kaashanaya kuwa AMISOM bilaabeen hawgal ballaaran oo Al-shabab lagaga sifeynayo dhammaan deegaanada maamulka Jubaland hoos taga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo ku eedeeyay Xasan Sheekh inuu isku dayayo inuu “ka takhaluso”

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in maamulka uu si sharci darro ah u bartilmaameedsanayo odayaasha dhaqanka.

  • Soomaliya

    27-09-2025

  • 12:49PM

Mashruuca Qaybinta Timir Gargaar ah oo Si Hab-sami Leh Uga Socda Duleedka Muqdisho, Gobolka Banaadir [SAWIRRO]

Hay’adda Al-Mahasin ee Horumarinta iyo Waxbarashada ayaa muujisay mahadnaq qoto dheer oo ay u jeedisay Xarunta Boqor Salmaan.

  • Soomaliya

    26-09-2025

  • 02:58PM