Boqolaal kamid ah ciidanka Jubaland oo tababar loosoo xiray

Image
Image
Image
Image

October 9, 2014 (GO)- Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) ayaa tababar usoo xiray boqollaal askari oo kamid ah ciidamada ammaanka ee maamulka Juba.

Askartan oo tiradoodu gaareyso saddex boqol waxaa afartii bilood ee lasoo dhaafay lagu tababarayey deegaanka Qandal ee magaalada Kismaayo koonfurta kaga beegan.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) oo munaasabadii tababarka lagu soo xirayey ka hadlay, wuxuu sheegay in Jubaland u baahan tahay ciidan xoogan tayadooduna fiican tahay si ammaanka loo sugo horumarna loogu tallaabsado.

Dhanka kale Madaxweynuhu wuxuu ku dhiiri geliyey askarta tababarka loosoo xiray inay dadaal iyo karti dheeri ah muujiyaan si fiicanna uga soo dhalaalaan waajibaadka adag ee ka saaran ilaalinta dadkooda iyo dalkooda.

Waa markii labaad muddo afar bilood gudahood ah ee tababar loosoo xiro ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Maamulka Jubba, waxayna arintani kusoo aadeysaa xilli ciidamada Jubaland oo kaashanaya kuwa AMISOM bilaabeen hawgal ballaaran oo Al-shabab lagaga sifeynayo dhammaan deegaanada maamulka Jubaland hoos taga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM